Skip to:

Wax Akhriska/Qorista Hore ee Bulshooyinka Dhexdooda iyo Guriga

Somali
 
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

SOO DHOWOW!

Fadlan ma ka jawaabi kartaa su’aalaha qaarkood ee ku jira ra’yi ururintani ee ku saabsan ka caawinta carruurta ku nool Oregon, in ay bartaan wax akhriska, qorista, hadalka iyo dhageysiga?

Sanadkii 2023, Sharci dejinta Oregon ayaa ansixisay xeer si loo yaqaan Qorshaha Guusha ee Wax Akhriska/Qorista Hore. Sharcigu wuxuu Waaxda Adeegyada Dadweynaha ee Oregon (ODE) farayaa in ay kooxaha bulshada iyo qoysaska caawiso in ay carruurta yar yar ka taageeraan barashada wax akhriska, qorista, hadalka iyo dhageysiga. Tani waa inay ka dhacdaa bulshada dhexdeeda iyo guriga labadoodaba.

ODE ayaa iskaashi la yeelanaysa Miiska Jikada ee Oregon ‘Oregon’s Kitchen Table’ si wax looga maqlo dadka ku nool gobolka oo dhan oo ku saabsan mawduucan.

Fikradaadu waxay ODE ka caawin doontaa in ay abuurto waxyaabo kala duwan ‘tools’ oo loogu talagalay kooxaha bulshada iyo qoysaska. Buuxinta aad buuxinayso ra’yi ururintani, waxaad gacan ka geysan kartaa in xaqiijiyo in waxyaabahani waxtar u leeyihiin bulshooyinka.

Waxaan sidoo kale qaban doonaa wada hadalo iyo dhacdooyin kale gobolka oo dhan si la iskugu soo ururiyo fikrado dheeraad oo ka socda kooxaha bulshada.

Fadlan buuxi ra’yi ururintani haddii aad ku nooshahay Oregon. Waxaad buuxin kartaa ilaa laga gaarayo Abriil 11, 2024.