Skip to:

Istiraatijiyad loogu talagalay Biyaha Oregon

Somali
 
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Soo dhowow!

Fadlan ma ka jawaabi kartaa su’aalaha qaarkood ee ku jira ra’yi ururintani si aad wax ula dadka wadaagto fikradahaaga ku saabsan biyaha Oregon?

Oregon dhexdeeda waxaanu leenahay qorshe loogu talagalay biyaheena. Waxaa loo yaqaanaa Istiraatijiyada Ilaha Biyaha ee Isku dhafan. Istiraatijiyadani waxay naga caawinaysaa inaan fahamno waxa uu yahay biyaha aan heli karno Oregon iyo waxa loogu baahan yahay dadka, dhirta, xayawaanka, iyo dhulka.

Hadda waxaa la joogaa waqtigii la cusbooneysiin lahaa qorshaha. Waaxda Ilaha Biyaha ee Oregon (OWRD) iyo hay’adaha 13 gobol oo kale ayaa la shaqeynaya Oregon’s Kitchen Table (OKT). OKT waa barnaamijka Jaamacadda Gobolka Portland. Waxaanu rabnaa in aan maqalno waxaa aad rabto in aad ka dhex aragto Istiraatijiyada biyaha Oregon.

Fikradaadu waxay ka caawin doontaa gobolka in uu gaaro go’aano ku saabsan biyaheena. Tani waxaa ka mid ah:

  • Si go’aan looga gaaro sida aan u qorsheynayno cimilada aadka u daran sida abaaraha.
  • Si go’aan looga gaaro sida biyaheena looga dhigayo kuwo caafimaad iyo badbaado leh.
  • Si go’aan looga gaaro waxa ay yihiin noocyada nidaam ee aan dhisno si aanu biyaha u gaarsiino halka aan uga baahanahay.

Waxaanu sidoo kale qaban doonaa wada hadalada bulsha ee gobolka oo dhan oo qayb ka ah ra’yi ururintani. Waxyaabo dheeraad ah ka ogow https://bit.ly/water-conversations.

Fadlan buuxi ra’yi ururintani haddii aad ku nooshahay Oregon. Waxaad buuxin kartaa ilaa laga gaarayo Juun 15, 2023.